SHEEKO QOSOL OO SOOMALI AH.
SHEEKO QOSOL OO SOOMALI AH
Sheekooyin xul ah qaasatan sheeko somali ah oo qosol badan, dhalinyaro badan marka ay akhristeen waxay inoo sheegeen in sheekadani ay tahay mid cajiib ah.
Qeybtaan qeybtii ka horeysay waxaan kaga hadalnay sheekooyin somali ah kuwaasoo aad u qosol badan. Hadaba aan kula wadaagno sheeko qosol badan qebytii labaad.

Sheeko Somali ah qeybtii labaad
Mid ayaa hada ka hor Masaajid soo galay kadibna kabihii ayaa laga xaday tuugii ka xadayna Masaajidku ayuu ku jiray wili wuu is boojeynaayay saaxibkaa markii uu salaadii ka b axay ayuu kabihii waayay Masaajidkii ayuu inta albaabka istaagay ayuu dhahay “Kabaheyga hala keeno haddii la keeni waayo walaahi sidii uu aabahey sameeyay ayaan sameynaa.” tuugii oo allbaabka u dhawaa ayaa maqlay markaasu ku dhahay Saaxibow kabaahaga hoo waa kuwaane waana ku qaldamaye. Markii banaanka loo baxay ayaa la weydiiyay Saaxibkaa, saaxibow aabaahaa muxuu sameeyay? Ku Lahaa ” Aabahey kaba la’aan ayuu iska baxay.